"Waan qalbi jabay, mana ku fakarin inaan helayo qof iyada la mid ah" - BBC News Somali (2024)

"Waan qalbi jabay, mana ku fakarin inaan helayo qof iyada la mid ah" - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Hinge

Justin McLeod, wuxuu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha ganacsiga caalamka, wuxuu la hadlay Barnaamijka The Boss ee BBC-da ka baxa. Justin waa aasaasaha iyo madaxa fulinta App-ka haasaawaha ee Hinge.

Markii uu ka soo kabsanayay isticmaalka maandooriyaha, Justin McLeod wuxuu aasaasay dejiyay barnaamijkiisii haasaawaha, waxay ahayd inuu noloshiisa ka caawiyo sidii uu uga adnaan lahaa niyad jabka.

Shan sano kahor, macalinkiisii koleejka, oo ah haweeneydii uu u maleeyay in ay tahay jacaylka noloshiisa, waxay kaga tagtay dhibaato la xiriirta isticmaalka daroogada iyo khamriga.

Wuxuu markii dambe u tegay gabadhii si uu dib ugu soo nooleeyo xiriirkooda. Wuxuu xilligaas ku guuleystay inuu gebi ahaanba iska daayo isticmaalka daroogada, balse wuxuu awoodi waayay inuu u sii noolaado si jacayl uu ku dheehan yahay.

Muusan dooneyn inuu baararka aado, sababo la xiriirta balwadda khamriga ee uu qabatimay, wuxuu shaqo ka bilaabay Hinge sannadkii 2011-kii, isago ka raadsanaya jaceyl wanaagsan iyo lammaane cusub. Markaas wuxuu ahaa 27 sano jir, Wuxuuna Ganacsiga ka baranayay Jaamacadda Harvard, qeybta magaalada Boston.

"Waan qalbi jabsanaa, waligeyna kuma fikirin in an heli doono qof iyada la mid ah," ayuu yiri. Laakiin, wuxuu mooday, inuu app-ka uu u yahay fursadda ugu fiican.

Adeegyo haasaawe oo khadka tooska ah loogu talagalay, oo dhallinyarada lagula hadlo, ayaa soo baxay, Justin ayaa sidoo kale rajeeyay in ay noqon laheyd ganacsi uu isku dayi karo inuu guul gaaro.

"Waxaan helay fursad fudud oo aan ku heli karo. App si fudud la isugu shukaansan karo oo dhallinyarada ay qeyb ka noqonayaan, kuwaas oo xilligaas aan isticmaali jirin baraha la isku shukaansado," ayuu yiri. "Fikradda markaas waan haleeli waayay oo maskaxdeyda ayey ku dhex wareeganeysay."

Sannadkii 2012, ayuu Justin bilaabay App-ka Hinge, isla sannadkaas ayaa la aasaasay app-ka Tinder, oo isagana ah bar haasaawe.

Maanta Hinge, waxaa isticmaasha dad gaaraya 5.5 million oo qof, waxaana dakhli sannad kasta uu soo xareero lagu sheegay lacag gaareysa $5.2m (£4.1m).

Laakiin sheeko jacayl ah oo layaab badan oo laga jilay musalsal TV ayaa dhecday. Justin jacayl cusub kama helin App-ka uu isaga aasaasay. Taa beddalkeeda se, wuxuu ku dhiiraday inuu isku dayo inuu dib u hanto qalbiga jacaylkiisii lumay ee Kate Stern.

Silsiladdan dhacdooyinka ayaa bilaabmay sannadkii 2015-kii, markii la sii xoojiyay shirkadda Hinge, waxaa wareystay weriye Deborah Copaken oo maqaal ku qoray wargeyska The New York Times.

"Waan qalbi jabay, mana ku fakarin inaan helayo qof iyada la mid ah" - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Gebogebada wareysiga, ayay Ms Copaken weydisay, haddii uu weligiis sidan u jeclaanayo gabadha. Wuxuu ka dib, Justin, ka sheekeeyay sida uu u jeclaa oo uu u lumiyey gacalisadiisa Kate intii ay labadooduba ahaayeen arday wax ka baraneysay Jaamacadda Colgate ee ku taal Hamilton, ee Gobolka New York, sababtuna ay ahayd maandooriyaha uu aadka u isticmaali jiray.

Gabadha wariyaha ah, ayaa ku jawaabtay, in ay leedahay sheeko jaceyl oo luntay oo tiisa la mid ah, laakiin in aysan waligeed u dhaqaaqin in ay ficil sameyso, haddana ay ka cabsi qabto in ay ka daahday oo wax la soo dhaafay ay tahay.

"Sheekadeeda ayaa igu dhiiragelisay inaan qaado hal tallaabo oo dheeraad ah, laakiin waxay ahayd toddobo sano oo waxaan u maleynayay in ay goor danbe tahay," ayuu yiri.

Laakiin si dhiirannaan iyo geesinimo leh; Justin wuxuu u duulay Switzerland, halkaas oo uu ku ogaa in Kate ay markaas ku nooleyd oo ay ka shaqeyneysay. In kasta oo ay bil gudaheed ku guursaneysay, haddana waxay oggolaatay inay la kulanto.

Dhowr maalmood gudahood, arooskeedii wuu baaqday, iyada iyo Justin na dib ayay u midoobeen.

"Waan qalbi jabay, mana ku fakarin inaan helayo qof iyada la mid ah" - BBC News Somali (4)

Sheekooyiin kale oo Jaceyl

  • Ilhan Cumar oo la aqal gashay Tim Mynett
  • Jaceylka goobta shaqada: Nin "Shaqada looga ceyriyay jaceyl dartii"
  • Quudinta qalbi jabay
  • Filim Jaceyl ah oo ay jilayaan wiil uu Imaam Soomaali ah dhalay iyo gabadh uu baadari dhalay
  • Xilliga shukaansiga: Marka lamaanaha ay nasanayaan, iskaabuladana wax deydeyayaan

"Waan qalbi jabay, mana ku fakarin inaan helayo qof iyada la mid ah" - BBC News Somali (5)

Wax yar ka dib, Justin ayaa mar kale la kulmay gabadhii wariyaha ahayd ee Ms Copaken, si uu ugu sheego wixii dhacay, ayna arrinta ugu qorto waryegeyska New York Times, qeybta casriga ee lagu daabaco sheekooyinka jacaylka ee bishii November sannadkii 2015-kii.

"Markii maqaalka lagu daabacay Joornaalka New York Times, waxaa la sheegay in dadkii akhristay ay "aad isula wadaageen qoraalka oo ay hadal hayeen," ayuu yiri Justin.

"Waxay xitaa qoreen, dabagal ay ku sameeyeen, in dadka ay tahay in ay isku dayaan in ay dib u raadiyaan jacaylladooda horey uga lumay."

Markii Warbixinta Jaceylka Casriga ah laga sameeyay Filim masalsal ah oo kalgaceyl oo laga baahiyay Amazon Prime TV, oo sannadkii hore isla magacaas loo bixiyay, Shekada Justin iyo Kate waxaa laga siiyay qeyb ka mid ah. Waxaa kaalintiisa matalayay Jilaaga Reer Britain ee Dev Patel.

"Waan qalbi jabay, mana ku fakarin inaan helayo qof iyada la mid ah" - BBC News Somali (6)

Xigashada Sawirka, Hinge

Justin wuxuu sheegay in dib ula soo noqoshada Kate ay isaga ka dhigtay inuu garawsado inuu u baahan yahay inuu dib boorka uga jafo app-ka Hinge, kaas oo xilligaas "isku si ay u shaqeynayeen" App=ka kale ee Tinder.

Wuxuu doonayay in Hinge uu noqdo bar jaceyl badan laga dhaxlo, si fududna dadka isugu xira kuwaas oo jir ahaan isa soo jiita.

Taa bedelkeeda wuxuu xoogga saaray in dadka ay noqdaan kuwo dhaqan ahaan si fiican isu barta, wuxuuna ku dhiiragelinayay in qaabkii hore ee shukaansiga ay sameeyaan ayna isu doontaan, taas oo ka caawineysa in xiriir muddo socda ay wada yeeshaan halkii ay "waxyar ka dib kala carari lahaayeen".

Ka dib markii uu dib u soo kiciyay App-ka sannadkii 2016-kii, dadka isticmaala waxaa la weydiinayay su'aalo la xiriira "waxa ku saabsan noloshooda"... ama "xaqiiqada nolosha qofka ee dadka kale ay la cajabi karaan...". Jawaabtooda waxaa lagu hoos qorayaa bogga uu qofka ku dhex leeyahay App-ka. Taas waxay qofka kale ka caawineysaa inuu helo shaksiyadda uu jecel yahay ama uu ka helo, wada sheekeysigana halkaas ayuu ka billaabanayaa.

"Waxay ila ahay arrin fudud oo yar, balse waxay bedeshay dhaqanka dadka ee App-ka adeegsada," ayuu yiri Justin, oo ku dhashay Kentucky. "Waxay ka dhigtay in xulasho wanaagsan ay sameeyaan, ayna si wanaagsan uga fakaraan waxa ay boggooda ku qorayaan.

"Waxaa ka dib ogaaday Shakhsiyadda dadka ay jecel yihiin ee guurka gaarta."

"Waan qalbi jabay, mana ku fakarin inaan helayo qof iyada la mid ah" - BBC News Somali (7)

Xigashada Sawirka, Stephanie Williams

Hinge, waxaa hadda ka howlgala in kabadan 70 shaqaale oo fadhigoodu yahay xafiiska ku yaalla New York.

Intii ay socotay ka jawaab celinta coronavirus, horraantii Abriil, Hinge wuxuu soo saaray barnaamij cusub oo loogu magaca daray "date from home", taas oo dadka adeegsanaya aku dalban karaan in si muuqaal ah ay ula haasaawaan qofka kale.

Justin, ayaa sheegaya inuu doonayo in dadka adeegsada Hinge ay helaan farxad dhameystiran oo sheekadooda jacaylka ah sida isaga iyo Kate ay sameeyeen.

Lamaanahan ayaa isguursaday sannadkii hore, waxaana dhowaan u dhashay cunuggoodii ugu horreeyay.

"Waan qalbi jabay, mana ku fakarin inaan helayo qof iyada la mid ah" - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Kieth Sipes

Last Updated:

Views: 6003

Rating: 4.7 / 5 (67 voted)

Reviews: 82% of readers found this page helpful

Author information

Name: Kieth Sipes

Birthday: 2001-04-14

Address: Suite 492 62479 Champlin Loop, South Catrice, MS 57271

Phone: +9663362133320

Job: District Sales Analyst

Hobby: Digital arts, Dance, Ghost hunting, Worldbuilding, Kayaking, Table tennis, 3D printing

Introduction: My name is Kieth Sipes, I am a zany, rich, courageous, powerful, faithful, jolly, excited person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.