Caqabadaha soo wajaha lammaanaha kaddib marka ay carruur kusoo biiraan - BBC News Somali (2024)

Caqabadaha soo wajaha lammaanaha kaddib marka ay carruur kusoo biiraan - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inkasta oo dhalmada ilmaha lagu soo dhaweeyo farxad, haddana waxay dhici karta in turanturooyin ay ku timaaddo xitaa xiriirka ugu adag.

Daraasaduhu waxay muujinayaan in badiba cilaaqaadku ay isbeddelaan, ka dib markay lammaanuhu carruur yeeshaan. Sida lagu sheegay cilmi-baaris ay samaysay jaamacadda Bern ee dalka Jarmalka sannadkii 2021-kii, heerka qanacsanaanta lammaanaha, haddii ay yihiin waalid iyo haddii kaleba, waxa uu hoos u dhac ku yimaadaa 10-ka sano ee ugu horreeya guurka, guud ahaanna sidoo kale waxaa dhaca isbeddello.

Si kastaba ha ahaatee, heerka qanacsanaanta kuwa waalidka ah, ayaa ka hooseeya kuwa aan ahayn.

Marka tirada carruurtu korodho, heerka qanacsanaanta xiriirka, ayaa hoos u dhacaya. Tirada ayaa si gaar ah uga sii hooseeya hooyooyinka dhallaanka cusub: 38 boqolkiiba haweenka la qabo waxay muujinayaan inay aad ugu qanacsan yihiin xiriirkooda, halka heerkan uu kor u kaco ilaa 62 boqolkiiba haweenka la qabo ee aan carruurta dhalin.

La yaab maaha in waalidku wada xiriiro. Inta badan lamaanayaasha, arrimo ay ka mid yihiin wada-xiriirka, galmada iyo waqtiga la wada qaato, kuwaasoo loo yaqaan walxaha xiriirka ee cilmi-nafsiga, ayaa waxaa si xun u saameeya imaatinka cunugga.

Ku darso arrimaha walaaca abuura sida hurdo la’aanta iyo welwelka dhaqaale, waxayna u muuqataa mid aan suurtogal ahayn in lammaanaha is qaba ay isku dhacaan, ama xiisad kale ka dib marka ay ilmo dhalaan.

Iyadoo ay taasi jirto, ayaa haddana lammaanayaal badan oo is qaba aysan fileynin in xiriirkooda uu sidan u burburo, kadib marka ay caruur dhalaan. Sababta arrintani keentay ayaa ah in arrintani ay naadir tahay in lagu falan qeeyo ama lagu soo qaado waanooyinka ama wacyi gelinta ay soo gudbiyaan dhalmada ka hor, baraha bulshada ama qaraabada lammaanaha.

Sida ay khubarradu sheegeen, tani waxay sababtaa in waaliddiintu ay ka xishoodaan oo ay ka fogaadaan dhibaatooyinkooda, taasina ay keento in aanay helin caawimo nafsi ah.

  • Muxuu yahay sharciga adag ee muhaajiriinta ee ka dhaqan-galay Mareykanka?

  • Faa'iidooyinka aadan ogeyn ee ay basasha u leedahay ragga iyo dumarka

  • Taariikhda uu soo maray Garoonka Stadium Muqdisho ee munaasabadda 1-da Luuliyo lagu qabtay

Madmadowga soo ifbaxa marka uu saameeyo xiriirka

Stacey Sherrell, oo ah dhakhtarad ka shaqeysa hagaajinta qoyska oo ku nool gobolka California, ee dalka Mareykanka, ayaa sheegtay in waalidnimadu aanay ahayn sababta keliya ee xiisaha cusubi keeni karto. Si kastaba ha ahaatee, lammaanayaashu waxay inta badan haystaan waqti dheeraad ah, oo ay diiradda saaraan arrimaha ay ka mid yihiin hagaajinta wada-xiriirkooda xun ka hor intaanay ilmo dhalin.

Sherrell oo sheegtay inay inta badan la shaqeyso lammaanayaasha ay dhibaato kala kulma dhalmada kadib, ayaa waxay tiri, "Dhammaan dhibaatooyinka waxaan kasoo qaadnaa waxaan jirin, gaar ahaan kuwa galmada, markii ay soo dhowaadaan kaliya ayaan baraarugnaa. Malaha waxba ka soo roonaan maayo ilmaha ka dib."

Sherrell ayaa waxay sheegtay in xitaa dabeecadda laga yaabo inay "waxoogaa xanaaqdo" haweeneyda dhalmada ilmaha ka dib, ay isu beddeli karto dhibaato weyn.

Tusaale ahaan, haddii mid ka mid ah lammaane uu jecel yahay inuu ciyaaro ciyaaraha fiidiyooga, carruurta ka dib, taasi waxay la macno tahay kan kale inuu waalid u noqdo carruurta keligiis.

Intaa waxaa dheer, isku dhacyadu ma saameyn karaan kaliya xiriirka markii horaba luudayey, laakiin sidoo kale lammaanaha kuwaas oo isu haysta in xiriirkoodu aad u xoog badan yahay.

Tusaale ahaan, doorka jinsiga waxay keeni kartaa hooyooyinku inay si buuxda mas'uuliyadda u qaadaan ilmahooda, oo ay khilaaf soo kala dhexgaliso iyaga iyo raggooda. Xaaladda ay hooyooyinku diidaan dhammaan isku dayada lagu daryeelayo ilmaha, ee ay sameynayaan dadka kale waxaa loogu yeeraa "ilaalinta hooyada".

Intaa waxaa dheer, lammaanaha leh carruur badan, cadaadiska daryeelka aan kala go'a lahayn wuxuu u keeni karaa dareen sida xanaaq, ama caro soo wajahda xiriirka.

Isbeddel shakhsi

Aragtida shakhsiga kaliya maaha arrimaha keena isku dhacyada lammaanaha.

Lammaanaha ayaa inta badan waxaa soo wajaha xaalad, iyaga oo aan diyaar u ahayn, sida uu shakhsiyaddoodu u beddeli doono ilmaha.

Wax badan ayaa laga ogyahay habkan, kaasoo loo yaqaan kala guurka haweeneyda ay ugu gudbeyso hooyanimada. Laga soo bilaabo isbeddellada hoormoonka ee saameeya dabeecadda ilaa muuqaalka jirka, kala-guurkan dhinacyo badan leh, ayaa wuxuu badanaa bilaabmaa xilliga uurka.

Waalidka aan dhalin ilmo, waxay ku noqon kartaa jahawareer inay arkaan lammaanahooda oo isbeddelaya, ka hor intaan ilmuhu dhalan.

Dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka, oo sidoo kale yimaada xilliga dhalmada ka hor iyo ka dib, waxay keeni karaan dhibaatooyin badan. Tusaale ahaan, niyad-jabka umusha ka dib wuxuu saameeyaa mid ka mid ah afartii hooyo, iyo mid kamid ah tobankii aabbe.

Intaa waxaa dheer, dhibaatooyinka waxaa lagu arki karaa waaliddiinta haysta ilmo leh dhibaatooyin caafimaad marka ay dhashaan, iyadoo kor u kaca heerka walaaca.

Inkasta oo dhibaatooyinkani ay soo hagaagaan dhowr sano gudahood, haddana waaliddiinta qaar, ayaa sheegaya in kaliya aysan ku ekaan noloshooda galmada, laakiin sidoo kale dhaqamada kalgacalka iyo jaceylka ah, ee ay ka midka yihiin laab is gelinta iyo taabashada aysan dib ugu noqon marnaba sidii hore.

Lammaanayaasha qaarkood, haweenka, ayaa aqoonsiga shakhsi ahaaneed ee isku kalsoonaanta, iyo shakhsiyadda cusub ee hooyanimada, ayaa waxtar u yeelan kara arrintan.

Caqabadaha soo wajaha lammaanaha kaddib marka ay carruur kusoo biiraan - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxyaabaha difaaca ah ee hagaajiya xiriirka

In kasta oo culayska waalidku ama ku qanacsanaan la'aanta xiriirka ay aad u badan tahay, lammaanayaal badan, ayaan xitaa ka fikirin inay ka hadlaan dhibaatooyinkan, sidoo kalana ma baadigoobaan caawimo.

Laakiin cabburinta shucuurta waxay ka dhigi kartaa waalidka inay dareemaan kalinimo, waxayna ka hor istaagi kartaa inay raadsadaan taageero xirfadeed, ama la xiriiraan lammaanahooda.

Xaqiiqda ah in dadku aysan ka hadlin arrintan, ayaa waxay uga sii dartaa aaminsanaanta in isku dhacyadu ay yihiin kuwo sidaa u sii ridneyn. Tani sidoo kale waxaa loo maleynayaa inay kobcinayso dhaleeceynta.

Janina Buehler, oo ah dhakhtarad cilmi-nafsi iyo cilmi-baare ka tirsan jaamacadda Bern ee dalka Switzerland, ayaa ku doodaysa in ka cabsida soo gudbinta dareenka qofka, inay ka dhigayso wax adag in laga gun gaaro dhibaatooyinka waxyeeleeya xiriirka.

"Fikradda ah in cilaaqaadku had iyo jeer ahaado mid aad u dabacsan oo wanaagsan, waa inaan galmo joogto ah samaynaa, inaan mar walba faraxsannahay run maaha".

Lammaanayaasha qaar ayaa waxay ka bixi waayaan khilaaf, oo waxay xallin waayeen caqabado soo wajaha, iyagoo is fura, xitaa haddii ay isku dayaan inay badbaadiyaan xiriirkooda.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha in dhammaan lammaanayaasha ay intooda badan isu jiidaan dhanka isku dhacyada, ama kalatag aan dhammaad lahayn.

Waxay khubarradu sheegeen in kobcinta arrimaha “ilaalinta” ee lammaanaha dhexdooda ay door muhiim ah ka ciyaarto horumarinta lammaanaha.

Arrimahan lagu ilaalinayo xiriirka, ayaa waxaa kamid ah xiriir hufan, oo joogta ah; dareenka is fahamka; Inaad wada-qaataan ugu yaraan toddobaadkii hal mar, iyo inaad yeelataan rajooyin macquul ah, gaar ahaan haddii lammaanahaagu uusan ahayn mid ku habboon si kasta.

Si kastaba ha ahaatee, lammaanaha qaarkood, ayaa laga yaabaa inaysan mar walba siinin mudnaan xiriirkooda. Lammaanayaasha qaarkood, ayaa si sahlan u heli kara daawaynta, ama daryeelka carruurta, si ay waqti keligood ah isula qaataan, marka loo eego kuwa kale.

Taas beddelkeeda, Buehler waxay leeyahay waa muhiim in si degdeg ah wax loogga qabto, si looga faa'iidaysto wax waliba oo heli karayo lammaanayaasha is khilaafaya, si ay u noqdaan xiriirkooddu mid lama huraan ah.

Caqabadaha soo wajaha lammaanaha kaddib marka ay carruur kusoo biiraan - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Arline Emard IV

Last Updated:

Views: 6013

Rating: 4.1 / 5 (72 voted)

Reviews: 87% of readers found this page helpful

Author information

Name: Arline Emard IV

Birthday: 1996-07-10

Address: 8912 Hintz Shore, West Louie, AZ 69363-0747

Phone: +13454700762376

Job: Administration Technician

Hobby: Paintball, Horseback riding, Cycling, Running, Macrame, Playing musical instruments, Soapmaking

Introduction: My name is Arline Emard IV, I am a cheerful, gorgeous, colorful, joyous, excited, super, inquisitive person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.